Ciidanka Booliiska dalka Uganda oo Shaaciyay inay heleen Xog sheegaysa inay Al-shabaab weerarro ka geysanayso Magaalada Kampala

Uganda PoliceCiidanka Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay qorshaynayso inay weerarro ka geysato goobaha waxbarashada dalkaas, gaar ahaan xarummo Kampala ku yaalla.

Wargeysyada ka soo baxaa dalka Uganda ayaa warkan maanta ay qoreen waxaana lagu xusay in xogta ay hayaan ay sheegayso qatar ku wajahan xarumaha wax-barashada gaar ahaan jaamacadaha dalkaas oo ay dhigtaan dad badan oo ajnabi ah.

Mr. Judith Nabakoba oo ah Afhayeenka booliska Uganda ayaa sheegtay inay amniga guud ee caasimadda Uganda aad u adkeeyeen, isla markaana ay ciidammo geeyeen qaar ka mid ah jaamacadaha si ammaanka loo adkeeyo.

Afhayeenka booliska Uganda oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri : “Waxaa nasoo gaartay warar sheegaya in in argagixisadu ay qorsheynayaan inay weerarro ka geystaan dalkeenna, gaar ahaan xarumaha waxbarashada, iyagoo qorshaynaya in toddobaadkan ay fuliyaan qorshayaashoodaâ€.

Sida Booliiska Uganda ay dhowr jeer oo hore ka digay weerarro ay Al-shabaab doonayso inay ka geysato gudaha dalkaas, inkastoo aysan waxba dhicin, balse digniintan ayaa noqonaysa tii ugu dambeysay oo ay Al-shabaab soo saarto.

Sidoo kale Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalal ay ku jirto Uganda oo ay ciidammo nabad ilaalin ah kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, inkastoo Al-shabaab aysan sheegin xilliga ay qaraxyadaas geysan doonto.

Sida la wada ogsoon yahay Kooxdan ayaa bishii July ee sannadkii 2010 waxay weerarro qaraxyo ah oo ay ku dhinteen in ka badan 79-qof ay ka geysatay Maqaayado ku yaalla Uganda xilli halkaas lagu daawanayay ciyaartii kama dambeysta ee koobka adduunka.

Dowladda Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askar ah oo ka mid ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidamadan ay hoggaanka u hayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

SomaliSwiss       Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: