Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta soo Kormeeray Xarunta Golaha Shacabka oo dib u habeyn lagu sameeyey

Dib-u-dhiska-Golaha-ShacabkaKu simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeer ku soo sameeyey  Xarunta Golaha Shacabka oo dib u habeyn lagu sameeyey,.waxaana kormeerkiisa  ku wehliyey XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dib-u-dhiska-Golaha-Shacabka.jpg1 Ku-simuhu wuxuu  u kuur-galayey sida ay u soo dhamaatay howsha  dib u habeynta ah oo lagu waday xarunta Golaha Shacabka gaar ahaanna hoolka ay ku shiraan Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Howlaha dib u habeynta ah ee lagu waday xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mid ahaa bedelid lagu sameeyey Hoolka ay ku shiraan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayadoo howshan dib u habeynta ahna ay soo socotay todobaadkii aynu kasoo gudubnay,waxaana dib u habeyntan fuliyey Injineerro Soomaali ah oo ay caawinayeen quburro Ajaaniib ah.

ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlayey dayactirka Goluhu wuxuu yiri:  “Golaha shacabka waxaa farxad weyn u ah inay noosoo gebagebowday howlo dib u dayactir ah oo lagu waday xarunta Golaha Shacabka waa Alle mahadii iney howshii dib u dayactirka aheyd ee aynu ku wadnay xarunta Golaha Shacabka ay noogu soo gebagebowday si wanaagsan,waxaan doonayaa inaan shacbiga Soomaaliyeed ogeysiiyo in dhaqaalaha ku baxay howsha dib u dhiskan aysan dibad ka imaan oo dowladda Soomaaliya ay bixisay dhaqaalahaasi islamarkaana laga muumalay miisaaniyadii Golaha Shacabka”.

Dib-u-dhiska-Golaha-Shacabka.jpg2Si kasta ha ahaatee tallaabadan dib u habeynta ah ee lagu sameeyey xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad guud uu gudoonka Baarlamaanka u dejiyey dib u dhiska iyo ballaarinta xarunta Golaha Shacabka ayadoo mar hadii lasoo gebagebeeyey howshanna ay si rasmi ah u bilaaban doonaan todobaadka soo socda howlihii Xildhibaanada Baarlamaanka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: