Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Warbixin ka Dhagaystay Guddi Wasiirro ah oo loo diray Gobolada Shabeellada Hoose

Golaha Wasiiradda.jpg 4Kulankii Caadiga ee Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka hadleen ammaanka guud ee dalka iyo colaado dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu horreyntii Golaha Wasiirrada waxay warbixin ka dhegeystay guddi wasiirro ah oo xukuumaddu u dirtay gobolka Shabeellaha Hoose, waxana guddigaas oo ka koobnaa saddex wasiir oo kala ahaa: wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka cadaaladda caddaaladda ayaa waxay sheegeen inay kulammo kala duwan la yeesheen waxgaradka Shabbeelaha Hoose, iyagoona lasoo qayb-saday dareenka raadkii uu reebay iska-hor-imaadkii halkaas ka dhacay.

Sidoo kale, Guddiga wasiiradda ah ayaa sheegay inay isku afgarteen bulshada gobolkaas ku nool in la nabadeeyo gobolka, isla markaasna la abuuro jawi nabadeed iyo kalsooni ay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanku ku wada-shaqayn karaan.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon oo shirkan ka ahaa shir-guddoomiye ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaallada dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

“Aad baan uga naxay dagaallada halkaasi ka dhacay, maanta ma joogno xilligii aan dad ku khasaarin lahayn dagaallo aan qiimo weyn ugu fadhiyin Qarankeenna oo kasoo kabanaya colaado, maanta waxaa inala gudboon in aynu afka qorigeenna u wareejino Al-shabaab oo ah cadawga ummadda. Maanta aan ka wada-shaqayno Soomaaliya oo nabad ah oo samaynaysa horumar,†ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa uga digay saxafiyiinta inay buun-buuniyaan colaadaha u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed, taa beddelkeedana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka.

Mudane Saacid wuxuu hadalkiisa ku daray ee uu yiri: “Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay qaataan kaalinta kaga aaddan nabadaynta dalka iyo horumarkiisa, waa inaan la buun-buunin colaadaha beelaha. Dhamaanteen aan kawada shaqaynno Soomaaliya oo nabad ah oo xoogga aan saarno wararka dhinaca horumarka iyo nabadda ku saabsan,â€.

Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti isgaoo yiri: “Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa askarigii ka dhintay ciidamada walaalaheen ah ee â€Hiil Walaal†ee dalka Jabuuti oo noogu yimid inay garabkeenna istaagaan xilligan adag. Weerarrada noocaas ah waxay muujinayaan sida dagaalka dhulka ah loogu jebiyay kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.â€

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: