Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in maanta loo Gudbiyo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya.

Barlamaanka Cusub.jpg2Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in maanta loo Gudbiyo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya, waxaana la sheegay in mooshinkan ay saxiixeen tiro ka badan 168-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ayaa arrintan u xaqiijiyay warbaahina, wuxuuna intaas ku daray in saacaddu markay ay tahay 12:00 duhurnimo ee maanta la gudbin doono mooshinkan, iyadoo mooshinkan lagu dalbanayo in kalsoonida lagala laabto xukuumadda uu horkacayo ra’iisul wasaare Saacid.

Mooshinka lidka ku ah Ra’iisul Waasaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu taagan yahay muran u dhexeeya madaxewynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, kaasoo ka dhashay codsi uu madaxweynuhu u gudbiyay ra’iisul wasaare Saacid oo ahaa inuu xilka ka dago iyo ra’iisul wasaaraha oo diiday arrintaas.

Sida la wada ogsoon yahay labada mas’uul ayaa Murankooda soo jiitamayay muddo bilooyin ah, balse wuxuu dibadda u soo baxay  dhowr  toddobaad ka hor. Iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in muranku uu ka dhashay is-qabqabsi dhinaca magacaabista golaha wasiirrada ah.

Dhnka kale Ra’iisul wasaare Saacid ayaa dhawaanta sheegay in muranka isaga iyo Madaxewynaha soo dhex-galay uu yahay mid ku saleysan dastuurka uu doonayo in baarlamaanka hortiisa lagu kala baxo, balse lama oga wuxuu fikirkiisa ka bedeli karto mooshinka maanta laga geynayo baarlamaanka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: