Mareykanka ayaa wadda qorshe ay saldhigyo kaga dhisayso xuduudaha ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagalaamayso kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Wargeysyo ka kala soo baxa Wadamada Kenya iyo Mareykanka ayaa waxay daabaceen warbixin ku saabsan arrinta dhismada Saldhigyadaas, waxaana la sheegay in saldhigyadan laga dhisi doono deegaannada ku teedsan xuduudaha Jabuut iyo Kenya ay la wadaagaan dalka Soomaaliya.
Mas‘uul u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in saldhigyadan loo adeegsan doono in lagula socdo dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ay ka sameynayaan xuduudaha iyo sidii weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab looga abaabuli lahaa.
Sidoo kale, Mas’uulku wuxuu sheegeen in dhaqaaaha ku baxaya dhismaha saldhigyadan uu gaarayo malaayiin doollar, waxaana si gaar ah saldhigga laga dhisayo xuduudda Kenya iyo Soomaaliya uu uga caawin doonaa dalka Keynya sugidda ammaanka.
Balse Dowladda Kenya ayaa soo dhaweysay saldhigga la dhisi doono xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay ay u sheegeen wargeysyada dalkaas in lagu xiri doono qalab dayac-gacmeedka la shaqeeya kaasoo dalkooda ka caawin doona dhinaca ammaanka.
Sida warbixinta lagu sheegay Kenya ayaa waxay tan iyo markii ay kumannaan askarteeda ka mid ah u dirtay dalka Soomaaliya dhammaadkii 2011 ay la kulmaysay weerarro aan kala go’ lahayn oo kaga imaanaya Al-shabaab, kuwaasoo uu ugu dambeeyay weerarkii maalmaha qaatay ee ay kooxdan ku qaadday Westgate Mall.
Dhanka kale tallaabadan uu Mareykanku ku doonayo inuu saldhigyo ciidan kaga dhisayo xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagaan dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xilli Al-shabaab ay ku hanjabtay inay weerarro ka geysan doonto dalalka ay ciidamadau kaga sugan yihiin Soomaaliya oo ay labadan dal ku jiraan.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa Mareykanka kaga sugan 4,000 oo askari, kuwaas oo halkaas u jooga howlo ay kula dagaalamayaan argagaxisada, waxaana laga soo abaabulaa saldhiggaas howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.
SomaliSwiss    Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.