Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weeraradii Al-Shabaab ay ka geysatay mag. Baladweyne

UN-Secretary-General-Ban-Ki-moonXoghayaha guud ee qaramada midoobay  ayaa cambaareeyay weeraradii ay Xarakada Al-Shabaab ka geysteen magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay in weeraradaas argagixisadu ay qaaday ay sababeen dhibaato ballaaran.

Ban Ki-moon oo qoraal uu soo saaray.arrintaas wuxuu yiri: “waxaan cambaaraynayaa weeraradaas iyo kuwo kale oo la mid ahaa oo dhacay asbuucyadii lasoo dhaafay”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay intaas ku daray ee uu yiri:  “Weeraradan argagixisada ah ee lala beegsanayo dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxay abuureen dhibaato lixaad leh”.

Sida lagu soo warramay Weeraradii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 qof ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay Alshabaab oo kamid ah ururada hoostaga ururweynaha Alqaacida.

Dawlada Jabuuti ayaa shaacisay in askarigii ugu horreeyay uu kaga dhintay weeraradan oo ahaa kuwo loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah dabadeedna kooxo hubaysan ay gudaha u galeen saldhig boolis oo ku yaalay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss       New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: