Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku soo Booqday Isbitaalka AMISOM dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Beledweyne

Ra'iisul_Wasaaraha.jpg1Ra’iisul wasaaraha Soomaalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku soo booqday isbitaal AMISOM ee Muqdisho dadkii ku dhaawacyadii weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaaday saldhigga degmada Beledweyne, kuwaasoo isla shalay la soo gaarsiiyay Muqdisho si ay u helaan daweyn deg-deg ah.

Ra'iisul_WasaarahaHase yeeshee dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 ruux una badan dad rayid ah ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku booqday qolalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Ra’iisul wasaare Saacid oo xusay in kooxda Xarakada Al-Shabaab ay marayso marxaladihii ugu dambeeyay ee dhamaadkooda wuxuuna yiri: “Runtii dadkan waxaa dhibaateeyay gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dowladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada”.

Ra'iisul_Wasaaraha.jpg2Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Saacid ayaa booqday xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar-sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay booqashadiisan xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Dhanka  kale  Ra’iisala wasaaree Saacid ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda gaashaandhigga, oo ay xilligaas ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aaddan maamulka ciidanka.

Ra'iisul_Wasaaraha.jpg3Wuxuuna hadal uu jeediyay ku yiri: “Mudnaanta dowladda waa amniga iyo sidii dalka loo xasilin lahaa. Xukuumadda waxaa ka go’an xoojinta tababbarrada ciidamada, kor u qaadidda adeegga caafimaadka ciidanka, qalabeynta iyo in mushaaraadkooda ay helaan.”

Balse Weeararkii Baladweyne ee shalay ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 20-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro fara badan, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen ciidammo iyo shacab ku sugnaa saldhiggaas, iyadoo mas’uuliyadda weerarkan ay sheegatay Al-shabaab.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: