Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay iskuulka Xamar Jab-Jab ee gobolka Banaadir, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay saxiixi doonto heshiiska caalamiga ee xaquuqda carruurta.
Maadaama ay maanta ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee xaquuqda carruurta Adduunka oo aasaaskeedu uu ku beegnaa 20-kii November 1989kii markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka.
Sida uu caddeeyey Madaxweynuhuu in heshiiskan aysan weli saxiixin saddex dal oo caalamka ku yaalla, kuwaasoo kala ah, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Mareykanka iyadoo haddii ay Soomaaliya saxiixdo heshiiskan ay ku biirayso dalalka dunida ee horay u saxiixay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay iskuulka Xamar-Jajab wuxuu yiri: “Waxbarashadu waa iftiinka nolosha oo la’aanteed aan suuro-gal ahayn in la noolaado. Maanta waa maalinta carruurta caalamiga ah ee caalamka, waana inaan kuwada dadaalnaa sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah, sida waxbarasho lacag la’aan ah”.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in booqashadiisa maanta ay ka tarjumeyso ahmiyadda ay dowladdu siineyso wax-barashada iyo dhaqan-gelinta tiigsiga dowladda ee ah in hal milyan oo carruur ah ay aadaan Iskuullada oo ay helaan waxbarasho tayeysan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.