Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Khudbad dhinac walba taabanaysa ka jeediyey Shir Madaxeedka Afrika iyo Carabta.

Gudoomiyaha-Baarlamaanka-ee-Shirka Arab & AfrikaGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta khudbad dhinac walba taabanaysa ka jeediyey shir madaxeedka dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo shirkaasina ay Soomaaliya uga qeybgalayaan Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu Khudbaddiisa uga hadlay saameynta ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollo ka tirsan Puntland ku yeesheen roobabkii duufaanta watay ee dhowaan ka da’ay isagoo madaxweynayaashii shirka goobjooga ka ahaana ka codsaday iney gurmad u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay duufaantu saameysay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu Khudbaddiisa ku muujiyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diyaarsantahay iney ka faa’ideysato dal walba oo maalgashi ku sameynaya waxaana uu carabka ku adkeeyey damaanad qaadka ay Dowladda Soomaaliya damaanad qaadeyso amniga xuquuqda dowladaha Soomaaliya maalgashiga ku sameynaya,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku faah faahiyey khudbaddiisa kheyraadka Soomaaliya.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: