Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo tegay Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Key & FarooleMagaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland  ayaa waxaa maanta tegay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu horkacayey  wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Key & Faroole.jpg1Mr. Key iyo wafdigiisa oo ay garoonka si diirran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Puntland, ayaa kulan muddo saacad ka badan qaatay waxay xarunta madaxtooyada kula yeesheen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Sidoo kale Labada mas’uul Madaxweyne Faroole iyo Nicholas Key oo markii uu kulankaasi soo gabagaboobey si wadajir ah warfidyeenka ula hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobaddii ugu muhiimsanaa ee ay kulankooda iskula soo qaadeen.

Dhanka kale Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ee labada dhinac ay isla soo qaadeen ay ahayd sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ay saamaysay duufaantii todobaadkii hore ku dhufatay gobollada bariga xiga ee Puntland.

Mudane Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in arrimaha laga wadahadlay ay kamid ahaayeen: khilaafka soo kala dhex galay Madaxda sare ee dowladda federaalka, doorashada soo socota ee Puntland, ammaanka iyo kaalinta ay haweenku ku yeelanayaan baarlamaanka cusub ee ay xilligan xulistiisu socoto.

Waxaa kaloo halkaas ka hadalay Mr. Nicholas Key wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay qayb weyn ka qaadan doonto sidii loo gargaari lahaa dadka ay duufaantu cayrtaysay oo u badnaa dad xoolo dhaqato ah, sidoo kale wuxuu  baaq u diray beesha caalamka si ay uga qayb qaataan gurmadka socda.

Key & Faroole.jpg2Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlayey doorashada soo socota ee Puntland iyo kaalinta ay haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanka cusub, wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in doorashadaasi ay noqoto mid ku dhacda si hufan iyo jewi nabad ah, isagoo dhinaca kale xusay in ay lagama maarmaan tahay in haweenka Puntland ay qayb ka noqdaan golaha wakiillada ee cusub.

Tani, w aa booqashadii saddexaad ee Nicholas Key uu ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii uu xilkaas qabtay, waxayna booqashadiisu ku soo aadeysaa maalin kaddib markii uu Garoowe soo gaarey u-qaybsanaha Qaramada Midoobey ee gargaarka  bini aadamnimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini.

SomaliSwiss      Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: