Dowladda Jabuuti oo Shaacisay in weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Baladweyne uu kaga dhintay hal askari.

Ciidanka JabuutiDowladda Jabuuti ayaa Shaacisay in hal askari oo ka mid ah ciidamadeeda ka tirsan AMISOM uu kaga dhintay weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaaday saldhigga booliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti ayaa u sheegay warbaahinta dalkaas in askarigan uu noqonayo kii labaad oo kaga geeriyooda Somalia, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan.

Balse wargeys kasoo baxa Mareykanka ayaa sheegaya in afar askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dhinteen weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Baladweyne.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in saldhigga weerarka lagu qaaday ay ciidamada Jabuuti tababar ku siin jireen ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ku sugan Kuwait oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay weerarkaas isagoo sheegay inuusan waxba u dhimayn howsha nabadeed ee ay u joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: ā€Weerarku wuxuu ahaa mid fulaynimo ah, waxbana kama tari doono howsha aan u joogno Soomaaliya oo aan ku caawinayno walaalaheen”.

Sida la wada ogsoon yahay Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga hal guuto oo ciidankooda milateriga ka tirsan, waxayna ka howlgalaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolkaas.

Weeraradii isugu jiray qaraxyada iyo kuwa tooska ah waxaana mas’uuliyadda falalkaas sheegatay Xarakada Al-shabaab, taasi oo si fulinnimo ah ugu dhawaaqay afhayeen u hadlay inay weerarkaas ku dileen askar fara badan oo isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda Al-shabaab ay weerarto degmada Baladweyne oo farahooda laga saaray dhammaadkii sannadkii 2011, halkaas oo uu ka taliyo maamul gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: