Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa Saakey barqadnimadii waxay hal mar ka war-heleen dhawaqa qarax aad u xoog badan iyo rasaas isla socta oo ka dhaceysa ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo fariisin u ah ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.
Weerarka ismiidaaminta ah ayaa waxaa loo adegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay, wuxuuna ku qarxay albaabka hore ee saldhiga, iyadoo intaa kadibna la maqlayay rasaas toos ah oo ay is-weydaarsadeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti iyo kooxo la sheegay in ay weerar ku qaadeen gudaha saldhiga.
Kooxda weerarka ayaa la sheegay inay ku dagaallameen hubka garbaha laga tuuro iyo rasaas ka dhaceysay qoryaha boobaha ah, waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay gudaha u galeen saldhiga.
Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba isku fidiyay magaalada gaar ahaan agagaarka saldhiga booliiska, kuwaa oo dagaal toos ah la galay kooxaha weerarka soo qaaday. Balse waxaa lagu soo warramay in dad badan oo isugu jiray ciidamo iyo shacab intaba isugu jiray ayaa ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta ah iyo weerarka tooska ah oo ay soo qaadeen kooxaha hubeysan.
Mar aan tagay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa ku arkay oo kaliya meydadka sadex ruux oo labo ka mid ahi haween ahaayeen, halka kan kalana uu ka tirsanaa ciidamada nabad-galyada wadooyinka ee Taraafikada, laakiin waxaa la ii sheegay in ay jiraan dad kale oo meydadkooda la geeyay xaafadaha.
Waxaa Weerarkan bur bur xoog leh soo gaaray dhismayaashii ka ag dhawaa saldhiga booliiska oo ay ka mid tahay Aargada magaalada Beledweyne ay caanka ku tahay oo gabi ahaanba dhulka ku soo dhacday.
Hase ahaatee haatan xaaladdu way degan tahay waxaana wali socda baaritaanno ay wadaan saraakiisha iyo ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiishu siiyeen warbaahinta.
Sidoo kale Weerarkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa kusoo beegmaya dhowr todobaad uun ka dib markii weerar Ismiidamin ah lagu qaaday maqaaxi aan wax badan ka fogeyn xarunta maamulka gobolka taasoo ay ku dhinteen dad ku dhaw 19 ruux oo rayid u badnaa.
SomaliSwiss      Baladweyne
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.