Madaxweyne Xasan Sheikh oo shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an inay Dalka ka cirib-tirto Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne XasanMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii waxyeelladu ka gaartay qaraxii maanta ka dhacay saldhigga booliiska ee Beledweyne.

Ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa baaritaan arrintan ku saabsan kawada magaaladaas, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, si loo ogaado khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Madaxweynuhu wuxuu qoraalkisa ku yiri:“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeelladu kasoo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad-jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay waddo Al-shabaab,”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan oo sii wato hadalkiisa wuxuu intaas ku daray ee uu yiri: “Al-Shabaab bacdamaa dagaalka waji-ka-wajiga ah looga adkaaday waxay ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah.”

Weerarkii maanta ka dhacay degmada Baladweyne ayaa waxaa sheegtay in ay mas’uul ka yihiin Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay kooxdan uu ku sheegay wareysi uu bixiyay inay weerarkaas ku dileen saraakiil Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan isugu jira.

Madaxweynuhu wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku yiri:“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka,”.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markiiu ugu horreysay oo ay madaxda dowladda Soomaaliya sidan oo kale u cambaareeyaan qaraxyo ay Al-shabaab ka geysatay goobo kala duwan oo dalka ka tirsan, iyadoo toddobaadyo ka hor qarax weyn ay isla magaalada Baladweyne ka geysatay Al-shabaab.

SomaliSwiss     Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: