Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Wasiir dowlada wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Mudanaayal Baarlamanka ah ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kuwait City oo ay uga qeybgalayaan shirka iskaashiga Carabta iyo wadamada Afrika kaasoo berito ka furmi doona Magaalada Kuwait.
Prof. Jawaari oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Wadanka Kuwait ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Wadankan, halkaasoo uu kulan kula qaatay Wafdigii horay ugu sugnaa Kuwait oo uu kamidyahay Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta iyo Diplomaasiyiinta Soomaliya u jooga Wadamada Carabta Qaarkood gaar ahaan wadamada Kuwait,Liibiya iyo jaamacadda Carabta.
Waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in wafdiga uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamanku ay qodobo muhiim ah la hortagi doonaan shir madaxeedka iskaashiga Dalalka Afrika iyo Carabta oo berito furmaya islamarkaana ay ajandayaasha ugu horeeya ee laga hadlayo kujirto xaaladda Soomaaliya maadaama ay soo gudbiyeen Dalalka Carabta iyo Afrika oo uu dalkeenu labadaba xubin buuxda kayahay.
Dhanka kale Wasiir Dowlada Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal ayaa tilmaamay in go,aano waxtar u leh Soomaliya laga filan karo gabagabada Shirkan oo kusaabsan Maalgashiga, Iskaashiga iyo isku xirka carabta iyo Afrika.
Sida lagu wadaa in maalinimada Berri ah uu shirka wadamada Carabta iyo Afrika ka furmi doono Magaalada Kuwait City kaasoo ay ka qeybgalayaan in kabdan 64 Dowladood oo Carab iyo Afrikan isugu jira waxaana Soomaliya ay u tahay fursad muhiim ah maadama ay dalal badan oo daneynaya islamarkaana ay xiriir soo jireen ah la laheyd ka qeybgalayaan iyo tan labaad oo ah inay kujirto ururada shiraya labadaba.
SomaliSwiss     Kuwait
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.