Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo maanta Booqasho ku tegay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Ergeyga MA SomaliaMudane Maxamed Saalax Anaadiif oo ah Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, isla markaana ah Madaxa howlgalka AMISOM ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,wuxuuna tagay halka uu ka socdo shir-weyne maamul loogu sameynayo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya iyo galbeedka Soomaaliya.

Shirka BaydhaboErgayga ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay halka uu shirka maamul sameynta gobolladan ka socdo, iyadoo ammaanka goobta uu shirku ka socdo ay la wareegeen ciidamada Midowga Afrika ee Baydhabo ku sugan.

Sida ay wararka ay sheegayaa Mas’uuliyiinta gobolka Bay ayaa dhammaantooda ku sugnaa xarunta uu shirku ka socday markii uu ergaygu tagayay, waxaa kaloo ku sugnaa qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamananka Soomaaliya.

Waxaa goobta hadallo ka jeediyay Shiine Macallin Nuurow oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bay iyo Madoobe Nuunow Maxamed ka mid ahaan jiray xildhibaannadii dowladdii KMG ahayd, waxayna labaduba ku baaqeen in si dhaqso ah lagu joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellada Hoose.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Anaadiif oo halkaas ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu maanta ku faraxsan yahay inuu soo gaaro goobta uu shirku ka socdo uuna la kulmo odayaasha iyo waxgaradka gobollada maamulka sameysanaya kasoo jeeda, wuxuuna ballanqaaday in dagaallada Shabeellada hoose wax laga qaban doono.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: