Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait ugu warbixisay in dalka ay dib ugu laabtay Qurbo-joog badan….

wasiirka dibadda  Soomaaliya, FowziyoWasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf oo ku sugan dalka Kuwait ayaa waxay xalay iyada iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan waxay kulan la yeesheen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Marwa Fowsiyo oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xilliga aad uga wanaagsan tahay sidii hore, iyadoo xustay in dowladda Soomaaliya ay howlo badan ka qabatay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo xiriirka caalamka ay la leedahay.

Wasiiraddu waxay sheegtay in Soomaali badan oo dibadaha dalka wax ku bartay ay dib ugu laabteen dalkooda si ay ugu faa’iideeyaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo jaaliyadda Kuweit ku boorrisay inay iyaguna qayb ka noqdaan Soomaalida dib ugu laabanaya dalka.

Waxay kaloo Wasiiradda u sheegtay dadkii ka soo qaybgalay kulankaas in Dowladdu dadaallo badan ay sameysay halkii sano ee ay jirtay, waxaana ka mid ah in dhidibbada loo taagay xiriirrada caalamka, in dhaqaalaha dalka dib loosoo celiyay iyo in amniga la sugo.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in muddadii halka sano ahayd ee ay dowladdu jirtay la qabtay howlo badan, isagoo intaa ku daray in xukuumaddu ay howl ka billowday meel aan muddo hal sano ah wax looga qaban karin, balse uu Alle ku guuleeyay inay wax badan qabtaan.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadashay gabar ka mid ah qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait iyadoo sheegtay inay kaga mahad-celinayso wasiiradda Soomaaliyeed sida ay ugu dhabar-adaygeen sidii ay dalka wax uga qaban lahaayeen, iyaguna ay rajeynayaan inay dalka dib ugu laabtaan.

SomaliSwiss      Kuwait

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: