Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo lagu qabtay kulan dhexmaray Ganacsato iyo Dhkhaatiir Soomaaliyeed.

Kulan_Ganaacsatada SoomaaliyaRugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa shalay lagu qabtay Kulan dhexmaray Ganacsato iyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka. Agaasimaha Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoore ayaa kulankaas ku soo bandhigay wax-qabadka Rugta muddadii yarayd ee dib loo aasaasay.

Waxaa Kulankaas lagu la-faguray isbedelka ka socda dalka iyo baahida loo qabo in dhakhaatiirta iyo ganacsatadu ay iska kaalmeeystaan sidii loo heli lahaa daaweyn tayo leh oo raqiis ah. Iyadoo la isla gartay in taasi ay ku imaan karto in ganacsatada Soomaaliyeed ay maal-gashadaan mashaariicda caafimaadka dalka, kulana midoobaan aqoontooda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, C/kariin Maxamuud Gabayre oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa kula dardaarmay dhakhaatiirta Soomaaliyeed sidii mashaariic caafimaadka loo maalgelin lahaa, loona soo baandhigi lahaa si ganacsatadu ay maal-gelin ugu sameeyso qalabyada waaweyn ee ay looga baahan yahay dalka.

Dhanka kale, Gabeyre ayaa sheegay in taasi ay soo afjari karto in dibadda loo qaado qofka bukaanka ah, isagoo xusay in dad badan ay geeriyoodaan inta aan la gaarsiin dalkii caafimaad ahaanta loogu qaaday ama iyagoo sugaya.

Si kasta ha ahaatee waxaa ugu dambeyntii kulankaas ka hadlay, qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxana sheegeen inay ku faraxsan yihiin kulanka, ayna soo dhaweynayaan gabi ahaan talooyinkii kasoo baxay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: