Hay’adda UNFPA ayaa maanta deeq gawaari ah ku wareejisay wasaaradda adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya, deeqdan gawaarida ah ayaa ahaa gawaarida caafimaadka Ambalaas oo gaaraya ilaa iyo shan gaari, taasi oo loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo xiligan baahi weyn u qaba gawaarida Ambalaaska ah.
Wakiilka Hay’adda UNFPA ee deeqdaasi maanta keentay Mudane C/laahi Nuur Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ka hadlay deeqdaasi oo uu sheegay in ay tahay mid ay ugu talagaleen in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in ay sii wadayaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin yaxye oo isagu deeqdaasi kala wareegay hay’adda UNFPA ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay kaalmadaasi soo gaartay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in gawaaridaan qaarkood loogu deeqi doono isbitaalada ku yaala gobollada dalka, si ay ugu adeegaan bulshada gobolladaasi ku dhaqan.
Si kasta ha ahaatee Gawaarida ambalaaska ah ayaa waxay wax weyn ka tari doonaan gaadiid la’aanta ka jirta goobaha caafimaadka, kuwaasi oo qaarkood aan lahayn gawaari Ambalaas oo ay shacabka ugu adeegaan.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.