Deeq isugu jirta Gaaddiid kala duwan iyo qalab Ciidan ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu deeqeday dowladda federaalka Soomaaliya, deeqdaas waxaa ka mid ahaa 17-gaari oo isugu jiray 10 kuwa ciidamada ah, afar kuwa aysan xabbadu karin ee ay madaxda lagu qaado, laba Dab-damis iyo hal Ambalaas.
Waxaa kaloo deeqdaas ka mid ahaa shan kun oo dharka ciidamada ah, iyadoo deeqdan uu dalka soo gaarsiiyay danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cismaan iyadoo uu kala wareegay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Somalia, Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Sidoo kale, Munaasabado gaadiidka iyo dharka ciidamada lagu wareejinayay ayaa ka kala dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Dekedda iyo safaaradda ay dowladda Imaraadku ku leedahay Muqdisho, iyadoo munaasabadahan ay goob-joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya, agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo saraakii ka tirsan ciidamada booloiska iyo kuwa nabad-sugidda,
Wasiirka arrimaha gudaha oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri“Deeqdan waa mid sare u qaadayso sugidda amniga, aad iyo aad ayaan uga mahad-celinaya dowaldda Imaaraadka inay daneynayso sidii Soomaaliya ay nabad ku noqon lahayd”.
Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya oo isaguna hadal jeediyay ayaa sheegay in deeqda ay dowladdiisu ugu talo-gashay dowladda Somalia, ayna caddeyn u tahay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta amniga Soomaaliya, isagoo xusay inay sii wadi doonaan taageerada noocan oo kale ah ee ay siinayaan Soomaaliya.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa wuxuu ku kala wareejiyey 10 baabuurta dagaalka ah, dab-damisyada, ambalaasta iyo direeska Ciidanka booliiska iyo nabadsugidda, iyadoo afarta gaari ee aanay xabbaduhu karinna ay la wareegtay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya ayaa sheegay in jiraan deeqo kale oo waqti dhow ay soo gaari doonaan dalka Soomaaliya, tani waxay kuu caddeynaysaa in Dowladda Imaaraadka ay ka mid ah dowladaha taageerada aan kala go’a lahayn siiya dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Imaaraadka ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay gacan ka geysanayso dib u soo celinta amniga Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.