Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yusuf Xaji Aadan ayaa gaartay Magaalada Kuwait oo ay uga qeybgelayso shirka madaxda wadamada Carabta iyo Afrika oo ay ka galayaan in ka badan 64 dal.
Shirka ayaa waxaa marti gelinayso dowlada Kuwait kaas oo looga hadli doono maalgashiga iyo iskaashiga Carabta iyo Afrika.
Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamadaasi ayaa Kulan hor dhac ah halkaasi ku yeelandoona 17-ka ilaa 18-bishan iyadoo ay ka qeybgeleso wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxed Sh. Cisman Jawaari oo metelaya madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa isna lagu wadaa in uu gaaro dalka Kuwait.
SomaliSwiss      Kuwait
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.