Waxaa magaalada Bern ee Caasimadda dalkan Switzerland ka furmay Shirweynaha wadamada xubnaha ka ah ururka boostada Caalamka waxaana dawladda Soomaaliya markii ugu horraysay 23 sano kadib si rasmi uga soo qaybgashay Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada.
Ururka Boostada oo ay xubno ka yihiin wadamo kor u dhaafaya 190 ayaa Soomaaliya sannadkaan waxaa uga qaybgalay wasiirka warfaafinta,boostada iyo isgaarsiinta C/laahi Ceelmooge Xirsi.
Isagoo khudbad ka jeediyay fadhiga ayuu sheegay Ceelmooge in Soomaaliya ay markale masraxa caalamka dib ugu soo laabatay ayna tahay xubin firfircoon oo kamid ah bulshada caalamka.
Wasiirka ayaa codsaday in Soomaaliya laga taageero dhinaca boostada gaar ahaanna dhanka kharashaadka, qalabaynta iyo tababarrada loo fidinayo shaqaalaha boostooyinka Soomaaliya.
sidoo kale intii uu socday kulanku ayaa wasiirku kulan gaar ah la qaatay madaxa boostada aduunka Bishaar Xusseen oo kasoo jeeda Soomaalida dalka Kenya.
Bishaar ayaa sheegay in Soomaaliya ay u fidin doonaan taageero dhanka boostada maadaama waddanka uu muddo dheer ka maqnaa adeega boostooyinka.
Dhanka kale Wasiirku wuxuu saxiixay heshiis is-afagarad ah oo dhexmaray boostada aduunka (UPU) iyo waaxda boostada ee Soomaaliya.
Sida uu Wasiirka uu Iclaamiyey in Adeega boostada Soomaaliya ay si rasmi ah dib u bilowday 1-dii bishatan November, waxaana Soomaaliya ay haatan kamid tahay wadamada leh adeega boostada.
SomaliSwiss      Bern
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.