Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Mudane Muuse Cabdulle Maxamuud iyo Saraakiil ka tirsan Masuuliyiinta ku howlan hirgelinta mashruucaan dib loogu dhisayo Xeradan casriga ah ee lagu tababarayo Saraakiisha Ciidamada XDS.
 Wasiirku wuxuu ugu horreyn soo kormeereen Dhismaha ka socda Xeradii hore ee Agoonta Ciidamada Xoogga dalka oo haatan ay ka socdaan howlo looga dhigayo Xarun casri ah oo ay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ku tababarto saraakiisha Ciidamada XDS.
Sidoo kale Wasiirka oo ka hadlay  ujeeddada kormeerkiisa ayaa xusay in Dhismaha xeradan casriga ah lagu tababari doono Saraakiisha Ciidamada XDS taasoo mashruuca lagu hirgelinayo ay maalgelintiisa Wasaaradda Difaaca Soomaaliya kala kaashanayso Dowlado saaxiibo dhaw la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale Mudane C/Xakiim Faqi ayaa intaas ku daray in Xaruntaan cusub ay wax badan kusoo kordhin doonto tayada iyo Dib u dhiska  Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay soo saari doonto Saraakiil tababar xirfadeysan ku qaatay gudaha dalkooda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha Amniga  Q/M ee ku aadanaa in la kordhiyo Ciidamada AMISOM lana tayeeyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,isagoo farta ku fiiqay in dhanka kale ay Wasaaraddu soo dhaweynayso Tallaabadii ay Dowladda Itoobiya ku sheegtay in  Ciidamadeeda ka jooga Somalia ku  biirinayso Howlgalka nabad ilaalinta ah Midowga Afrika ee AMISOM.
 Hase ahaatee Wasiirka Difaaca wuxuu ugu dambeyntii  ka codsaday Dowladaha afrika inay soo dedejiyaan Ciidamada ay usoo dirayaan Soomaaliya kuwaasoo lagu kordhinayo Ciidamada AMISOM si loo soo afjaro jiritaanka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabab maadaama haatan ay marayaan heerkoodii ugu dambeeyay lagana xureyn doono guud ahaan Wadanka.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.