Guddoomiyaha Barlamaanka oo Shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay is-dajiyaan kuna kalsoonaadaan Wakiiladooda Golaha Shacabka.

???????????????????????????????Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) oo shir jaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo dalka, gaar ahaan dhanka siyaasadda maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay is-dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan golaha baarlamaanka.

Prof Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay wuxuu yiri: “Marka hore waxaan rabaa inaan uga digo xildhibaannada baarlamaanka ama ku adkeeyo in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya golaha fulinta dowladda aysan u ololeyn ama warbaahinta uga hadlin, taasoo aan ula jeedo haddii khilaafaad siyaasadeed uu madaxda dalka soo dhexgalo aan la buun-buunin, waayo waa laga wada hadlayaa waana la xalinayaa, haddii ay taasi dhici wayso waxay u soo biyo shubaneysaa in golaha shacabka ay timaaddo maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda baarlamaanka loo sameeyey uuna go’aan ka gaaro”.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xildhibaanku laga doonayo in arrintan uu ka istaago halka uu joogo qaadiga ama garsooraha, mana ahan buu yiri yiri in garsooraha in xukunka xafiiskiisa dhex-yaalla aysan ahayn in uu bannaanka uga hadlo ka hor inta uusan go’aan ka gaarin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku baraarujiyay xildhibaannada inay mas’uuliyaddooda xildhibaannnimo iyo awoodda ay leeyihiin dhawraan oo aanay dhicin in khilaafka jira awgiii ay warbaahinta ka olololeyaan.

Prof jawaari wuxuu hadalkiisa ku daray in shacabka looga baahan yahay inay iyaguna muujiyaan kalsooni taas la mid ah ayuu yiri: “Arrinta labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxay tahay xukuumaddu way noo shaqaynaysaa, adeegyadii shacabka loo hayayna way socdaan wax xumaanayana ma jiraan. Sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay kalsoonidooda qabaan, Alle mahaddii maanta baarlamaan shaqeynaya oo isku duuban ayaa jira, waana mid ka adag haddii ay dhibaato timaaddo maareynta siyaasadda dalka. Qof ahaan aad baan kaslooni buuxda ugu qabaa golahan shacabka inay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin sidii ay xal uga gaari lahaayeen mashaakil kasta oo yimaada”.

Guddoomiyuhu oo hadalkiisa sii wato wuxuu sheegay in Alle looga mahad-celinayo inaan maanta leennahay shuruuc iyo dastuur arrimahan oo kale lagu maareyn karo, sidaas darteedna aysan jirin wax xumaanaya oo ay tahay in la is dejiyo oo aan wax la buun-buunin, qof kastana uu ogaado inay dalkan mas’uuliyad ka saran tahay oo uu ku fekero sidii xal loo gaari lahaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay ee uu yiri: “Qodobka kale waxaan u jeedinayaa suxufiyiinta, anigoo xusuusinaya inay qalinka iyo qalabka ay ku shaqeynayaan uu ammaano idinku yahay oo Alle uu idin kula xisaabtamayo, arrin fiican ma ahan inaad buun-buunisaan arrin dhacday, loomana baahna inaad ummadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran, muwaadin baad tahay oo dalkan mas’uuliyad ballaaran ayaa kaa saran; fadlan ha noqonina kuwo khasaaro ku shoob ah ee noqda kuwo hormarka ku faana”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha baarlamaanka ma uusan si cad uga hadlin khliaafka soo if-baxay ee u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa haddana waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu arrintan ka hadlo.

Si kasta ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay mid dastuuri ah oo aan ahayn mid siyaasadeed, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in dastuurka lagu kala baxo, balse madaxweyanha ayaan weli ka hadlin khilaafka taagan.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: