Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Bay oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Buurhabaka ee Gobolka Bay

???????????????????????????????Ciidamada xoogga dalka qaybta 60-aad ee ku sugan gobolka Bay ayaa maanta lagu wareejiyay maamulka guud ee degmada Buurhakabo, kaddib markii ay ka baxeen ciidamadii milateriga ee ka yimid Muqdisho, kuwaasoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay halkaas gacanta ku hayay.

BuurhakabaXilliga wareejintu ay dhacaysay waxaa ayaa Degmada Buurhakaba ku sugnaa saraakiil ka socda milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmadaas Al-shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay Ciidamadii shalay banneeyay degmada Buurhakaba ayaa waxay markoodii hore ka yimaadeen Muqdisho, waxayna ka tirsan yihiin guutada lixaad ee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobollada Shabeellada hoose iyo Banaadir. Iyadoo ciidamadan dhowr jeer lagu eedeeyay inay gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Baydhabo ay isbaarooyin u dhigan jireen.

 Jen. Ibraahim Ibraahin Yaroow oo ah taliyaha guud ee ciidamada gobolka Bay ayaa taliye u ah Ciidanka la wareegay gacan ku haynta Buurhakaba wuxuuna khudbad uu jeediyay ku sheegay in ciidamadu aysan isbaaro u dhigan karin shacabka. Askarigii lagu helo falkaasna ciidamada oo dhan laga saari doono, lana horgeyn doono sharciga.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafey waxay ahaayeen kuwa dhac u geysta shacabka ku safra waddooyinka isku xira gobollada Bay iyo Shabeelada Hoose, iyadoo cabashooyinka shacabka aan badanaa waxba lag qaban jirin,

SomaliSwiss       Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: