Taliyayaasha Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Uganda oo wadahadalo ku leh magaalada Kampala.

Jeneral SaacidTaliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya General C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Uganda ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, wuxuuna wadahadalo la leeyahay saraakiisha dhanka ammaanka ee dalkaas.

Sida lagu soo warramay Wadahadalladan ayaa diirada lagu saarayay iskaashi toos ah oo ay ka yeeshaan Booliska Soomaaliya iyo kan Uganda dhanka ammaanka iyo sirdoonka ayaa ku dhammaaday is-afgarad.

Taliyaha ciidamada Booliska ee dalka Uganda General Kale Kayihura ayaa sheegay in booliska iyo sirdoonka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan dhinacyada sirdoonka, isdhaafsiga macmuulaadka, tababarada iyo waliba dhisitaanka xirfada ciidamada booliska iyo sirdoonka Soomaaliya.

Sidoo kale General C/xakiim Daahir Saciid iyo General Kale Kayihura ayaa ku heshiiyay inay dhisaan guddi farsamo oo labada dal ka wada dhexeeya kaasoo ka shaqaynaya sidii loo hormarin lahaa xiriirka dhanka ammaanka iyo sirdoona labada wadan oo uu ka dhexeeyo xiriir adag.

Dhanka kale Uganda ayaa ah waddanka ciidamada ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan marka laga hadlayo wadamada Afrikaanka ah ee ciidamada AMISOM ku deeqay.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: