Shir aan caadi aheyn oo ay maanta ay isugu yimaadeen dhamaan Guddoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe maamulka Gobolka Banaadir.
Sida uu noo soo sheegay Wakiil SomaliSwiss in shirkan uu ahaa mid dag dag ah, waxaa lagu gorfeeynayay xaaladaha Bani-aadamino ee musiibooyinka Fatahaada iyo Dhuufaanta ka kala dhacay gobolada Shabeeleha Dhexe iyo gobolka Bari, halkaasoo ay ku nafwaayeen tiro muwaadiniin Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir iyo dhamaan guddoomiye yaasha dagmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay kulankooda kaga doodeen sida shacabka Muqdisho ay ula qeybsanayaan xanuunka iyo dhibka gaaray shacabka walaalahood ah ee ku dhaqan gobolada ay musiibooyinka ku dhufteen ee Shabeelaha Dhexe iyo Bari-Puntland.
Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cod ayaa dheer ugu baaqay dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka magaalada Muqdisho inay si wadajir ah ugu gurmadaan walaalhood ku dhibaateysan gobolada Sh/Dhexe iyo Bariga Puntland.
Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo la hadlayey shacabka reer Muqdisho wuxuu yiri : “Shacabka Muqdisho ku dhaqan waxaa laga rabaa ineey ugurmadaan walaalahood gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Bari-Puntlanad ineysan ukala harin, ugurmashada iyo taakuleynta, sidii sanadkii 2006- ay ugu gurmadeen gobolada koonfur gaar ahaan Gedo, musiibooyinki abaareed ee ka dhacay” ayuu yiri
gaba gabadii kulankaasi ayaa waxaa Duqa magaalada Muqdisho uu sheegay inay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada Muqdisho ay bilaabi doonaan olole socon doona muddo hal Toddobaad ah kaasoo lagu aruurinayo kaalmo kasta oo la gaarsiin karo shacabka walaalaheen ah musiibooyinka duufaanta iyo fatahaadaha colaadaha sokeeye wata, ay ku qabsadeen gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Puntland.
Dhinaca waxaa la filayaa in dadka magaalada Muqdisho ku dhaqan oo aan u kala harin ay bilaabaan olole gargaar loogu aruurinayo shacabka ay dhibaatada ka soo gaartay masiibooyinka gobolada dalka qaarkood ka dhacaya, iyadoona durba la arkayay masaajidyada waa weyn ee Muqdisho ku yaala oo laga iclaaminayo kaalmo dag dag ah oo dagmo kasta ay gaarkeed usoo uruuriso la isugu keeno xarunta gobolka Banaadir si loo gaarsiiyo walaalaha musiibooyinka Duufaanta iyo fatahaadaha ku qabsadeen gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Puntland.
Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay ee shacabka reer Muqdisho ay u ololeeyaan sidii ay u gargaari lahaayeen walaalahood ku dhibaateysan qeybo ka mida gobolada dalka.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.