Khasaarahii uu geystay Roobabkii Duufaanta watey ee ka dhacay gobollada Bariga Puntland

 Dhuufaan.jpg1Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Maamulkiisa ayaa booqday qaar ka mid ah deegaanada ay saameeyeen roobabkii duufaanta watey ee dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka da’ayey gobollada ku yaal dhinaca bari ee Puntland.
 ee ku teegsan Bad-weynta India.

Dhuufaan.jpg3Madaxweynuhu wuxuu tegey deegaanka Sunijiif, oo qiyaastii 60km degmada Garoowe dhinaca waqooyi-bari kaga beegan. Biyo uu heerkoodu sarreeyo islamarkaana xawaare badan ku socda oo degmadaas kusoo rogmadey ayaa jaray buundo Sunijiif waxyar ka durugsan.

Sida la sheegay in buundada go’day ay saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaanada Puntland. Gawaari badan oo ah kuwa xamuulka qaada ee gobollada dalka u kala goosha iyo qaar kale oo ay boqollaal rakaab ahi la socdaan ayaa ku xaniban degmooyinka Garoowe iyo Qardho.

Mudane Cali C/laahi Warsame oo ah Mas‘uulka Maamulka Puntland ugu q1aabilsan dhinaca caafimaadka oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in tirada dhimashdu ay aad u korortay, isagoo sheegay in xilligan  dhimashadu ay ku dhowdahay 300 qof, boqollaal qof oo kalena la la’yahay.

Dhuufaan.jpg1Mas’uukan ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin baaxadda khasaaraha, maadaama ay jidadku xiran yihiin, deegaanada intooda badanna ay isgaarsiintu ka maqan tahay. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Dangorayo, Bayla iyo Eyl oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Karkaar.

Si kasta ha ahaatee dhuufaantan ayaa lagu soo warramayaa in khasaare baaxad leh ka geysatey deegaanno hoos taga demooyinka Caluula iyo Xaafuun oo iyaguna ka kala tirsan Gobollada Gardafuuy iyo Karkaar. Dadka geeriyoodey iyo kuwa la la’yahay ayaa u badnaa xoolo-dhaqato, waxaa sidoo kale ay duufaantu dishay xoolo Ari iyo Geel isugu jira oo ka badan dhowr kun oo neef.

Dhuufaan.jpg2Waraka ka imaanaya in deegaanada qaar  loogu sameeyey meydadka aas-wadareed tobannaan kamid ah dadka geeriyoodey, kuwaas oo caruur, dumar iyo dad waayeel ah u badnaa.

Balse waxaa socda dadaallo xooggan oo loogu jiro sidii dadka ay duufaantu waxyeeleysay gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa, in ka badan toban gaari oo sidey cunto, dhar, bacaha roobka celiya  iyo busteyaal ayaa ka baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in deegaanada qaar gurmadku uu gaarey, waxaa hadana jira gaadiid badan oo kuwii mucaawimada sidey ah oo ay biyuhu xayireen iyo qaar kale oo dhiiri galay.

Sidoo kale waxaa Masjidyada waaweyn ka socda barnaamijyo tabarucaad loogu uruurinyo dadka ay musiibadu ku habsatey. Masjidka Al-rowda oo ah kan ugu weyn magaalada Booaaso waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey lagu uruuriyey in ka badan $150,000.

DhuufaanSomaliSwiss     Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: