Ra’isal wasaare Saacid oo sheegay in Khilaafka ka dhexeeya Isaga iyo Madaxweynaha uu yahay mid Dastuuri ah, balse uusan ahayn mid Siyaasadeed.

RW-ShirdoonRa’isal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya soo dhexgalay ayaa sheegay in khilaafkani uu yahay mid dastuuri ah, balse uusan ahayn mid siyaasadeed.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaruhu wuxuu xafiiskiisa kasoo Warsaxaafadeed uu kaga hadlaayo khilaafka soo kala dhaxgalay Isaga iyo Madaxweynaha wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay jirto muddo hal sano ah, ayna soo martay marxalado kala duwan oo adag iyo caqabado badan, hadana muddada kooban ee halka sano ahayd ay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

Ra’iisul wasaaruhu qoraalka Warsaxaafadeedkiisa ku yiri: “Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wada-shaqeynta waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii koowaad, anoo ka xun waxaan ku war-galinayaa ummadda Soomaaliyeed inuu dhab yahay is-maan-dhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka dastuurka Qaranka”.

“Waxaan ka codsanayaa gabi ahaan ummadda Soomaliyeed inay ku kal-soonaadaan madaxdooda iyo xildhibaannada golaha shacabka oo iyagu leh mas’uuliyadda koowaad ee xal u helidda is-maandhaafkan” sidaas waxaa yiri Mudane Saacid. “

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya aya isagu weli ka hadlin khliaafka soo dhexgalay isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa, waxayna tani caddeynaysaa in inksatoo ay ka baxday Soomaaliya xiligii KMG ahaa haddana aysan weli ka bixin khilaafyadii u dhexeeyay madaxda dowladda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: