Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado dadka ay saameynta xooggan ku yeesheen dabeylaha xooggan ee ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si deg-deg ah loogu gurmado dadkii ku noolaa deegaannada xeebaha Puntland ku yaalla ee ay dabeylaha wata roobabka iyo qabowga xooggan.
Madaxweynuhu oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta ku dhufatay deegaannada xeebaha Puntland ku yaalla, taasoo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigeen, isla markaana xoolihii saameeyay. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay gargaar la gaaraan deg-deg ah la gaaraan walaalahooda”.
Sidoo kale Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiksiisa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha calaamkuba ay la gaaraan gargaar degdeg ah dadkii ay saameynta ku yeelatay duufaantan.
Ra’iisal-wasaaruha oo intaa ku daray ayaa sheegay in duufaantan ay tahay musiibo Qaran ah oo aad u baaxad weyn ayna ku dhinteen dad ka badan boqol qof sidaas darteed wuxuu baaq u diray dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo deeq-bixiyeyaasha caalamka inay si naxariisi ku jirto ugu gurmadaan dadka ku nool deegaannada ay duufaantu ku dhufatay.
Dhanka kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia , Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna war-saxaafadeed soo saaray Musiibada ka dhacday Xeebaha Puntland ayaa sheegay in waajib ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay u gurmadaan walaalahooda ku dhufatay musiibada dhuufaanta ku waxyeeloobay.
Prof. Jawaari.oo ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan doonayaa inaan muujiyo dareenkeyga ku aaddan masiibada ay naftooda ku waayeen shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bari iyo Nugaal ee Puntland sidaas awgeed waxaan caalamka ugu baaqayaa inay gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay saameeysay duufaanta oo ahaa dad u badan xoola dhaqato, waxaana hadda warka ku heynaa in dad badan ay masiibadaas ku waayeen xoolahoodii, sidoo kalena waxaan shacbiga Soomaaliyeed iyagana ugu baaqayaa inay xusuustaan in marka sidan oo kale masiibo u dhacdo in nalagu yaqaanay inaan isku gurmanno, sidaas darted waa inaan u gurmanaa dadka walaalaheen ah ee ay duufaantu saameysayâ€.
Si kasta ha ahaatee Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxay ugu dambeyntii tacsi u direen ehellada dadkii natooda ku waayay duufaantan xooggan oo weli ka dhacaysa deegaanno ka tirsan gobollada Puntland.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.