Dowladda Turkiga oo maanta ku wareejisay wasaaradda gaashaandhigga afar doomood oo ay ku howlgali doonaan ciidamada ilaalada Badda Soomaaliya.

Dooman CiidanDowladda Turkiga oo maanta ku wareejisay wasaaradda gaashaandhigga afar doomood oo kuwa dagaalka ah oo ay ku howlgali doonaan ciidamada ilaalada Badda Soomaaliya.

Dooman  gaaraya ilaa 4 Xabo doon oo ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga ayaa maanta lagu wareejiyeey Wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, ayadoo munaasabadda lagu wareejiyey oo ka dhacday Dekeda Muqdisho ay ka soo qeyb galeen Wasiirku xigeenka gaashaandhigga iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogda dalka.

Waxaa ugu horeyntii goobtaas ka hadlay  Cabdul Axad oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Tika oo wakikiil ka ahaa dowladda Tuirkiga waxaana uu sheegey in doonyahaasi loogu talagalay ciidanka ilalada xeebaha Soomaaliya, ay u yaraato falalka burcad badeedda ay ku qafaalanayaan mariibka isticmaala badweynta India.

Sidoo kale Admiraal Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” oo ah Taliayaha ciidanka ilaalada Badda Soomaaliya ayaa ka sheekeyeey ahmiyada doomankan  ay u leedahay howlgallada ciidanka Badda, isagoo soo hadalqaaday nidaamkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya.

Jen.Faarax Qare oo sii wato hadalkiisa wuxuu yiri:“Doonyahan oo kale ayaan lahaan jirnay oo ciidanka iyo hub culusba lagu qaadi jiray, laakiin maanta doonyahan wax weyn ayay noo yihiin maadaama aan xilligan haysan doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad-badeedda”.

Dhanka kale Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada Badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan qataraha dhinaca ammaanka ah.

Waxaa kaloo ugu dambeyntii  Munaasabaddaas ka hadlay Wasiir kuxigeenka gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Carab, wuxuu uga mahad celiyeey dowlada Turkiga dowrka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada xoogda dalka.

Axmed Maxamed Carab ayaa yiri “ waxaa farxad weyn ah in aan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno in aan hub saarano, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha dalka, waxaana hubaa in tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaaca xeebaha Soomaaliya”

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa dhiiro gelin karta dardar gelinta howlaha lagu difaacayo xeebaha dalka oo sanadihii ugu dambeyeey ay ku soo badanayeen dhibaatooyinka ay ugu weyn yihiin falalka burcad badeednimada iyo xaalufinta ay maraakiibta shisheeye ku hayaan kheyraadka badda Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: