Warar aan la ogeyn halka laga soo xigtay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu ka dalbaday Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuu is-casilo, inkasta oo la sheegay in Ra’iisul-wasaaruhu uu arrintaas si cad u diiday, waa sida uu warku uu sheegaya.
Waraku wuxuu intaa ku darayaa in arrintan ay sababtay khilaaf soo dhex-galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu uu billaabay inuu kulammo la yeesho la taliyeyaashiisa gaarka ah.
Idaacadda VOA-da ay sheegtay in ilo wareedyo la xariirtay ay u xaqiijiyeen in arrintan ay ka dhalatay kaddib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul-waasaruhu ay isku khilaafeen tirada laga dhigayo golaha wasiirrada xukuumadda oo la doonayo in la isku shaandheeyo. Balse lama oga go’aanka uu qaadan doono ra’iisul wasaaruhu.
Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu kalsoonidii ka waayay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, iyadoo khilaafkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo soo dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saacid oo muddo hal sano ah wada-shaqeynayay.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa labadooduba ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, waxaana socda kulammo gaar-gaar ah oo arrintan la xiriiran.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka hor sheegay inuu isku shaandheyn iyo ballaarin ku sameynayo golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in goluhu ay noqon doonaan 23-wasiir iyo in la mid ah, inkastoo uusan si rasmi ah carrabka ugu dhufan tirada golaha wasiirrada.
Dhanka kale Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Saacid xilka u magacaabay bishii November ee sannadkii hore 2012-ka ayaa sheegay in sababta uu u doortay ay tahay inuu yahay shaqsi ay si aad ah isku yaqaanaan ayna wada shaqeyn karaan.
Si kasta ha ahaatee wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu sidoo kale ku mashquulsan yahay wadatashiyo ku aaddan sidii ay u suurogeli lahayd inuu xilka ka dago Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida uu isku bedeli karo xaalka taagan.
SomaliSwiss  …..Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.