Beelihii ku dagaallanayey Duleedka Degmada Jowhar ayaa la sheegay in Ciidammo ka tirsan AMISOM ah la kala dhex-dhigay, arrintan ayaa ka soo baxday kulan dagaallada ka socda Shabeellada Dhexe looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay, sidoo kalena la sheegay in beelahan shir loogu qabanayo magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoow oo ka mid ahaa xildhibaanno la kulmay wasiirka arrimaha gudaha wuxuu yiri: “Waxaa la isku raacay in marka hore xabbada la joojiyo, in ciidammo ka socda AMISOM la geeyo deegaannada lagu dagaalamay si ay kooxaha uu dagaalku u dhexeeyo u dhex-galaan iyo in shir dib u heshiisiin ah loo qabto beelahan”.
Sidoo kale Xildhibaanka oo ka hadlayay sababta keentay in ciidamada dowladda loo dhex-dhigi waayay beelahan dagaalamaya ayaa sheegay in in qaar ka mid ah ciidamada dowladda ee gobolkaas ku sugan ay la safteen dhinacyada dagaalamay dhinac ka mid ah.
Sida wararku ay nagu soo gaarayaan waxaa Dagaallad ay ka socda daafaha degmada Jowhar ayaa weli halkaas ka socda, waxaana ku dhinteen inta la og yahay afartameeyo qof, halka tiro intaas ka badanna ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Balse waxaa dhinaca kale ka socda in Odayaasha dhaqanka iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka oo doonayay inay isku dayaan in dagaalladaas ay joojiyaan ayaa sheegay in kooxaha dagaalamaya ay rasaas ku fureen ayna natoodu khatar gashay, iyagoo sheegay inaysan awood u lahayn inay dagaalladaas joojiyaan.
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa shalay la hadlay dhinacyada dagaalamaya, wuxuuna ugu baaqay in dagaalka ay joojiyaan ayna isugu yimaadaan wadahadallo si ay ugu dhameeyaan khilaafkooda wadahadal iyo nabad.
Sida la wada ogsoon yahay Colaaddan ayaa salka ku hayso muran dhul beereed, waxay sababtay in la gubo tuulooyin fara badan oo ay beelahan qaarkood degi jireen, iyadoo uu noqonayo dagaalkan kii ugu xumaa ee beelahan dhexmara.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.