Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidamadiisu ay ka mid noqon doonaan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM

Hailemariam DessalegnIyadoo Ciidamada dalka Ethiopia ay si dadban ay u joogaan Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalagn uu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in ciidamadiisa ay ka mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaddib kulan uu madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto kula yeeshay magaalada Addis Ababa.

Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya haddii ay ku biiraan kuwa AMISOM ay taasi xoojinayso howlgallada looga soo horjeedo Al-shabaab.

Sidoo kale, Haile-mariam Desalagn ayaa muujiyay walwalka ay ka qabaan khatarta Al-Shabaab ay ku hayso ammaanka gobolka, isagoo caddeeyay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku xoojinayaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in hanjaabadaha ka imaanaya Xarakada Al-Shabaab uu yahay mid khatar ku ah xasilloonida iyo ammaanka guud ee Bariga Afrika.

Arrintan ayaa waxaa si aad ah wax uga qoray maanta warbaahinnada Kenya iyo Ethiopia, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Ra’iisul wasaare Ethiopiyaan ah uu sheego in ciidamadoodu ay qayb ka noqonayaan AMISOM, iyadoo la xusuusto in ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi uu dhowr jeer diiday in ciidamadiisu ay ku biiraan AMISOM.

Wali lama hayo war kasoo baxay ururka Midowga Afrika oo ku saabsan hadalka ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ah in ciidamadiisa ku sugan dalka Soomaaliya ay ka mid nqonayaan AMISOM oo ka socota shan dal oo Afrika ka  tirsan.

Ciidamada Ethiopia oo tiradoodu tahay dhowr kun oo Askari ayaa waxay ku sugan yihiin deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo soo galay dalka sannadkii 2011, waxaana horay ay u soo galeen Soomaaliya sannadkii 2006 iyagoo ka baxay sannadkii 2009.

Si kasta ha haaatee hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ururka Midowga Afrika uu dhawaan dalbaday in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM oo haatan ah 17,600 oo askari lana gaarsiiyo illaa 24,000 oo askari.

 SomaliSwiss           Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: