Waxaa shalay oo Sabti ah dalka Britain ku geeriyoodey Alle ha u naxariistee Abwaan Sahal Macalin Ciise oo ka mid ahaa hal abuuriyaashii Soomaliyeed, Sahal waa 62-jir ah, wuxuuna ku dhintay gurigiisa oo ku yaal duleedka magaalada London.
Sidaas darteed Bahda Warbaahinta SomaliSwiss oo Tacsi Tiiraanyo leh u direen Ekellada Abwaan Sahal Macallin Ciise inuu Alle Jannadiisa ka warabsho.
Abwaan Sahal Macallin Ciise ayaa fanka wuxuu kusoo biiray sideetamaadkii xiligaasoo uu ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, waxaana horey uu ugu mid ahaa ciidamadii nabad-sugidda Soomaaliya.
Sidoo kale Sahal hawlihii nabad-sugidda wuxuu ku bedeshay dhanka hal abuurka suugaanta waxana lagu xasuustaa heeso badan oo qiime leh uu curiyey heesahaas oo ay kamid ahaayeen Hakaba Banaanshee, Berdihiiku yiilay isha baydhaba, Huburow iyo heeso kale oo aad u farabadan oo intooda badana uu ku luuqeeyo fanaanka caanka ah ee Xasan aadan samatar.
Abwaan Sahal alle hau naxariistee waxa uu ku dhahsya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxana waxbarashadiisi uu kusoo qaatay isla magaalada Baydhaba, Alle ha naxriistee Abwaan Sahal waxaa uu ifka kaga tagay afar caruur iyo xaas.
Bahda Warbaahinta SomaliSwiss waxay mar-kale tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuum Sahal Macalin Ciise oo ku geeriyooday magaalada London ee Wadanka UK.
SomaliSwiss          Zürich
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.