Shirkii lixaad ee madaxda warbaahinta Africa (Africa Media Leaders Forum – AMLF) ayaa maalinimadii shalay ahayd waxaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ,kaasi oo muddo laba maalin ah ka soconayay hoolka shirarka ee Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Addis -Ababa.
Xiritaankii shirkaasi madaxdii ka soo qayb-gashay waxaa ka mid ahaa Raysul-wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia Demeke Mekonnen ,madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruttu , madaxa Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, madaxa bankiga horumarinta Afrika, Dr. Donald Kaberuka iyo masuuliyiin sare oo matalayay warbaahinta Africa qaybaheeda kala duwan.
Intii uu shirkaasi socday ayaa marti sharaftii goobta joogay loo kala qaybiyay seddex qaybood oo muhiim ah si ay u sameeyaaan dood wanaag ku aadan warbaahinta Afirca sida loo hormarin karo,isla markaana meesha looga saari lahaa caqabadaha hadda jira.
Qaybaha doodda ay dhaxmaraysay ayaa kala ahaa kooxda hormarinta Tiknoolajiyada ee dhinaca warbaahinta, kooxda ka ganacsiga warbaahinta iyo waliba kooxda seddexaad oo ahayd Anshaxa iyo hogaaminta warbaainta.
Sidoo kale waxaa aad looga dooday qaabka ugu haboon ee loo tabin karo wararka Africa ,iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray is-waafajinta warbaahinta iyo hormarka dhaqaalaha ,taasi oo ka mid ah ahayd ujeedooyinkii shirkaas loo qabtay.
Dhinaca kale waxaa shirkaasi si gaar ah loogu soo hadal qaaday hormarinta beeraha Africa ,iyadoo warbaahinta ay ku yeelanayso kaalin fir-fircoon oo muuqata ,waxaana madaxdii goobta joogay ay ballan -qaadeen in ay arintaasi ka dhabeyn doonaan.
Doodihii shirka oo aad u xiisa badnaa darteed ayaa markii danbe gabar ka socotay Addis Tribute waxey su’aashay ra’isul-wasaare ku xigeenka Ethipia sababta ka danbeysa xarigga wariyayaal tira badan ,kuwaasi oo hadda ku xiran xabsiyo ku yaalla Ethipia isla markaana loo haysto eedaymo la xiriira dhanka argagaxisada.
Demeke Mekonnen ayaa gabadhaasi ugu jawaabay in Ethipia ay ahmiyadda koowaad siinayso amniga ,isla markaana dad shaqooyin kala duwan haya ay ku lug yeelan karaan dhinaca argagaxisada sida wariyayaasha ,dhaqaatiirta iyo waliba Injineerada.
“Warbaahinta dalka Ethipia waxaa xuquuqdooda difaacaya dastuurka wadanka u dagsan ,taasi looma fasiri karo in wariyaha ama warbaahinta ay ku dhaqaaqaan arimo amniga liddi ku ah “ayu hadalkiisa ku sii daray raysul- wasaare ku xigeenka.
Masuuliyintaa xiritaanka shirkaas su’aalaha lagu waxaa isagana kamid ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutu ,waxaana la weydiiyay sababta uu u garab maray
go’aankii ay qaateen madaxda africa ee ahayd in hogaamiye Afrikaan ah uusan tagin maxkamadda danbiyada aduunka ee ICC hadiiba ay dhacdo in looga yeero.
William Ruttu ayaa sheegay in sababta uu halkaasi u tagay ay tahay ,iyadoo uusan isku ogeyn wax danbi ah ,isla markaana ay waxba kama jiraan yihiin eedaymaha loo haysto oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha
“Halkan waxaan idin kaga xaqiijinayaa in hadii maxkamadda danbiyada aduunka ay si cadaalad ah wax u baarto ,aniga kuma lug yeelan doono danbiyada la igu so oogay “ayuu isna goobta ku yiri.
Madaxa bankiga horumarinta Afrika, Dr. Donald Kaberuka oo wargays ka soo baxa dalka Nigeria uu u doortay shakhsiga sanadka ee Africa ayaa si weyn ugu mahad-celiyay qaban-qaabayaashii shirka ,isagoo goobta ka sheegay in warbaahinta xorta ah loo adeegsaday xasuuqii ka dhacay dalka Rwand ,isla markaana looga baahanyahay in warbaahinta ay isticmaasho masuuliyad dheeraad ah.
“Bankiga horumarinta Africa waxa uu ka qayb-qaadan doonaa horumarinta warbaahinta Africa,gaar ahaan tababarada wariyayaasha la siiyo” ayuu isna si kooban goobta uga sheegay Kaberuka oo ay ka muuqatay sida uu ugu faraxsanyahay shirkaasi lagu casuumay.
Ururka Africa ayaa goobta uu shirka ka dhacayay ku gudoonsiyay shahaado sharaf sare fanaaka caanka ah ee lagu magacaabo Boono ,taasi oo sanadkiiba la siiyo qof mashaariic hormarineed oo xagga beeraha ah ka sameeyay gudaha Africa,waxaana abaalmarintaasi sanadkan u tartamayay dad gaaraya 300 oo ruux.
Madaxa hay’adda ONE Bono (B), Agaasimaha hay’adda ANSAF Audax Rukonge oo ku guuleystay Abaal-Marintii sannadkan 2012 ee ONE A with the 2013 ONE Africa (Dh) iyo Agaasimaha One Africa Dr.Sipho Moyo
Ugu danbeyntii waxaa gaba-gabadii shirka la go’aansaday in la magacaabo xubno cusub oo ku soo biiri doona ururka (Africa Media Leaders Forum – AMLF),iyado xubno horay uga tirsanaa ururka ay shaqada ka fariisan doonaan.
SomaliSwiss   Addis Abeba
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.