Al-shabaab oo sheegatay Ma’suuliyadda weerarradii xalay ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Al-ShabaabWeerarradii qaraxyada ee xalay lagu qaaday hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda, kuwaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah kooxihii weerarradaas ka dambeeyay, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib u soo celinta amniga guud ee caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo ka hadlay qarayadaas wuxuu yiri: “Innaga ayaa ka dambeynay labadii qarax ee ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarama,” wuxuuna intaas uu raaciyay: “Waxaan bartilmaameed noo ahaa saraakiil ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ciidammo, 15 ka mid ah ayaanan goobtaas ku dilnay.”

Sarkaal u hadlay Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ku dhinteen lix ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidammo booliis ah, kuwaa oo ku dhintay qarax weyn oo ka dhcay dibadda hoteelka.

Sida la sheegay in laga yaabaa dhimashada ay intaas ka kororto maadaam ay jiraan dad ay gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana weerarkan si adag u cambaareeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaarihiisa.

Sida la wada ogsoon yahay in Xarakada Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray sannadkii 2011-dii kaddib dagaallo adag oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada AMISOM oo ay kaabayaan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana tan iyo xilligaas ay geysanayeen qarxyo ay u badan yihiin ismiidaamin.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: