Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Sheegay in qaraxyadii ka dhacay Caawa magaalada Muqdisho ay ku geeriyooday Afar qof, 15-qofna ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia,Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ahWasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in goor dhoweyd ee  fiidnimadii caawa ka dhacay gudaha iyo banaanka hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho qaraxyo ay ku dhinteen afar qof, kuna dhaawacmeen 15-qof.

Mudane Guuleed ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo dadkii waxyeelladu ay kasoo gaartay qaraxyadan, isagoo sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay soo abaabushay Xarakada Al-shabaab.

Mid ka mid ah kooxo la sheegay inay ahaayeen kuwo abaabulan oo ku gudo jiray qorshayaal ay doonayeen inay hoteelka qaraxyo uga geystaan, laakiin lama oga halka ay ku dambeeyaan labadii qof ee kale, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada amniga uu sheegay in qof ka mid ah kooxaha weerarka ka dambeeyay uu ku dhintay qaraxii ka dhacay dibada hoteelka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa sheegay in kooxdan ay ka koobnaayeen saddex qof oo maalmo ka hor dagay hoteelka, inkastoo uu sheegay inaysan u suuro-gelin qorshayaashii ay damacsanaayeen.

Xiligii qaraxyadan dhacayeen waxaa hoteelka ku sugnaa xubno dowladda ka tirsan iyo saraakiil, lama sheegin wax khasaare ah oo kasoo qaraxyadan ka soo gaaray, iyadoo hoteelka dib loo howlgeliyay muddo haatan laga joogo illaa lix bilood.

Hoteelka oo ku yaala jidka aada Madaxtooyada Soomalia ayaa waxaa caawa ku sugan ciidamo fara badan oo kuwa dowlada ah, waxaana dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas oo qaarkood ay cuslaayeen loo qaaday isbitaallada ku yaalla Muqdisho.

Al-shabaab oo lagu eedeeyay inay qaraxyadan soo abaabushay ayaa illaa iyo hadda ka hadlin, waxaana weerarrada ismiidaaminta ah ay imaanayaa xilli ay Muqdisho ahayd bilihii lasoo dhaafay goob nabdoon.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: