Wasiirada Horumarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirka caafimaadka ee ka furmay magaalada Muqdisho ay ka soo qeyb galeen xubno ka socda maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo Dowladdu sheegtay inay qeyb ka yihiin arrimaha looga hadlaayo caafimaadka.
Drs. Maryam Qaasim ayaa sheegtay in xubnaha shirka ka hadlaya ay ka mid yihiin agaasimeyaasha caafimaadka maamulada Somaliland iyo Puntland, waxayna Wasiiradu sheegtay in Dowladda Federaalka aanay siyaasadeynin arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada.
Sidoo kale Wasiirada Horumarinta Adeega Bulshada ayaa sheegtay in caafimaadka hooyada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogto ay waajib tahay in laga caawiyo caafimaadka isla markaana laga daweeyo cudurka ku dhaca waxayna intaa ay ku dartay Wasiirada in caafimaadku yahay sheyga ugu muhiimsan nolosha bani’aadamka.
Dhinaca kale Wasiirada ayaa sheegtay in shirka caafimaadka ee Muqdisho ka furmay uu soconayo muddo saddex maalmood ah, kaasi oo looga hadlayo sidii loo wajahi lahaa arrimaha caafimaadka Soomaaliya isla markaana meesha looga saari lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku hor gudban caafimaadka Soomaaliya.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.