Militeriga Kenya oo sheegay inay Qorsheynayaan duqeymo cusub oo ay ku Qaadaan Saldhigyada iyo Baraha Al-shabaab

Emmanuel Kenya_MilateriMas’uul ka tirsan Milateriga Kenya ayaa shacabka ku nool Koonfurta Soomaaliya ugu baaqay inay ka fogaadaan saldhigyada kooxda Al-shabaab ay leedahay iyo baraha koontaroollada ah ee ay ciidamadooda kaga sugan yihiin Koonfurt Soomaaliya.

Mr. Emmanuel Chirchir oo ah Afhayeenka milateriga Kenya, ayaa sheegay inay duqeyn la beegsan doonaan goobahaas, isagoo xusay in digniintan ay u bixinayaan si aysan khasaare uga soo gaarin duqeyntaas dadka shacabka ah.

Mr. Chirchir wuxuu yiri:  ‘Waxaan weydiisanaynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Gedo, Jubbad Hoose iyo Jubbada dhexe inay ka fogaadaan saldhigyada, xeryaha iyo jid-gooyooyinka ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab”.

Sidoo kale, Col. Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeennada milateriga Kenya ayaa isaguna u sheegay saxaafadda inay qorsheynayaan duqeymo kale oo ay la beegsadaan saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta Somalia.

“Mar walba waxaan qorsheynaynaa inaan weerarno saldhigyada Al-shabaab, taasna waa midda keentay inaan shacabka uga digno inay ka fogaadnaan goobaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-shabaab iyo saldhigyada ay kooxdaas leedahay,” ayuu Col. Oguna hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale Afhayeennada milateriga Kenya ayaa sheegay in 31-kii bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay ay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasoo ay ku dileen 300 oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Digniintan ay bixiyeen ciidamada milateriga Kenya ayaa waxay imaanaysaa xilli ay Al-shabaab sheegtay inay qorsheynayso inay weerarro kale oo la mid ah kii Westgate Mall ay ka geystay gudaha dalkaas, iyadoo la xusuusto inay ku dhinteen weerarkii Westgate Mall 67-qof.

Sida ka wada ogsoon yahay Kenya ayaa waxaa kaga sugan gudaha Soomaaliya kumannaan askari oo ka mid ah ciidamad AMISOM ee ka socda ururka Midowga Afrika, kuwaasoo ku sugan qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, sida magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: