Marwa Leyla M. Qanyare oo lagudoon siiyey Abaalmarinta ugu sareysa ee Xuquuqda Aadanaha ee laga bixiyo dalkan Switzerland.

IMG_0161Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Berna ee Caasimadda dalkan Switzerland Xaflad lagu maamusayey in la guddonsiyo laba gabdhood oo muujiyey dadaal dheeri ah ee ay ka mid ahayd Gabar Soomaaliyeed ee la yiraahdo Leyla Maxamuud Qanyare Abaamarintana oo ahayd Biladaha iyo Shahaadooyinka ugu sarreeya ee laga bixiyo dalkan Switzerland, waxaana halkaas ka marneen Abaamarin lagaceed, gabdhahan ayaa hay’adda dalkan Swisska uga qaabilsan bixinta Abaalmarinnada u samaysay. Munaasabad lagu marti-qaaday Axsaabtooda iyo Ehelladooda. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

IMG_0158

Haddaba Leyla M. Qanyare iyo Saaxiibteeda  Tilla Jacomet oo ah Qareenad u dooda guud ahaan dadka laga xaqiro xuquuqdooda (Anwalt – Avvocato), sidaas darteed Leyla M. Qanyare iyo Saaxiibteeda  waxay halgan dheer ee qaadatay ku dhawaad muddo 20 Sano, waxayna wax badan ka soo qabteen xallinta dhibaatooyinka ka horyimaado dadkasoo gelootiga ah gaar ahaan dadk qaxooti doonka ah ee dalalkooda ugu soo cararay dagaalada Sokeeya iyo kuwa kale ee wadamadooda uga soo carrara dhibaatooyinka dabiiciga sida Abaaraha, Dhuufaanta, Dhul-geriirka iwm.

IMG_0187

Xafladdii xalay oo Arbacada ahayd ka dhacda magaalada Berna ka soo qayb galay dhanka Soomaalida waxaa Xiriiri ka ahaa Mudane Mustaf Bashiir Gobgon, waxaana ugu horreeyey Ergayga Soomaaliya uga Wakiilka ah Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneve ee dalkan Switzerland Mudane Yuusu Baribari oo halkaas ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya Shalay ivo Maanta iyo horumarka la taaban karo ee dalka Soomaaliya ka socda, taasoo hormuud u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muujisay dadaal wax ku-ool ah.

IMG_0164Mudane Baribari wuxuu Jaaliyadaha Soomaalida ee ka soo qayb galay Munaasabadan ku guubaabiyey in dhowrtaan Sumcadooda, una soo jeestaan maageshiga dalkooda Hooyo, kuna dadaalaan waxbarashada Ubadkooda.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Odayaashii ka soo qayb-galay Xafladda Munaasabaddaas waxaan ka mid ahaa Abuukar Muudey, Dr. Ahmed Dhicisow, Axmed Axmaar iyo marti sharaf kale oo ka kala yimaaday Wadamada Sweden, Norway iyo Filland.

IMG_0180

Xafladan oo lagu kala qabtay hoolal ku kala yaala Hotel Kreuz Bern iyo Rathaus, balse Munaasabadan gaar uma hayn Soomaalida keliya bal waxaa ka soo qayb galay dadka jeceyl in lagu xad-gudbin Xuquuqda Aadanaha, dadkaas oo isugu jiray Jinsayado kala duwan, una badnaa dadka u dhashay dalkan Swisska.

IMG_0190Musnaasadda oo soo qaban qaabisay Hay’adda u dooda dadka lagu xad-gudbo xuquuqdooda Aadannimada, waxaana mas’uul ka tirsan  hay’addan halkaas ka caddeeyey howshii ay qabteen Leyla M. Qanyare iyo Saaxiibteeda  Tilla Jacomet, taasoo ay ku muteysteen Abaalmarinta Qiimaha leh ee laga bixiyo Waddanka Switzerland

IMG_0192Si kasta ha ahaatee Soomaalida ku dhaqan ayaa waxay u tahay guul ay markii uga horreysay ka gaareen dalkan, waana arrin ku dayasho mudan, loona baahan yahay in soomaalida guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay muujiyaan dadaal dheeri, maadaama 23 Sano dib u dhac xooggan nagu dhacay, balse haatan loo baahan yahay in laga shaqeeya Midnimada iyo Qaran Jeceyl.

IMG_0205IMG_0196IMG_0211IMG_0213IMG_0210SomaaliSwiss      Zürich

Qore Sare Dr, A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: