Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Codsaday Ummada Soomaaliyeed, inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Maamul Wanaag ka hirgala Dalka”

Madaxweynaha_Somalia_Xasan.jpg1Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo xalay ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada casho sharaf ergada ka qaybgashay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay inay nabad iyo maamul wanaag ka hirgasho dhammaan gobollada Soomaaliya.

Madaxweynaha_Somalia_Xasan

Xafladda casho-sharafta ah waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya, Teodrus Adhonom, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax, xubnaha labada gole ee dowladda iyo weliba hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe.

Madaxweynuhu wuxuu kula dar-darmay ergada Jubbooyinka iyo Madaxdooduba inay gacmaha is-qabsadaan kana shaqeeyaan midnimadda iyo horumarka ummadda ku nool gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa yiri: “Waxaan u rabnaa nabad iyo maamul wanaag ka hirgasha dhammaan gobollada Soomaaliya. Muhiimaddana waxa weeye Soomaaliya oo mid ah oo haddana nabad ah.”

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inuu marayo maanta muddo 70-sano ka badan halkii ugu wanaagsanayd, inkastoo ay jiraan buu yiri waxyaabo badan oo u baahan in laga wada hadlo.

Madaxweynaha wuxuu mar kale yiri: “Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya caawa wuxuu marayaa meeshii ugu wanaagsanayd. Baal cusub ayaa noo bilawday, waxaana u mahad-celinayaa dowladda Itoobiya dadaalka ay  ku bixinayso inay Soomaaliya nabad waata ka dhalato”.

madaxweynuhu wuxuu sheegay in kuwa dhahaya Muqdisho ma ahan nabad uu warkoodu yahay mid aanay waxba ka jirin, isagoo tusaale u soo qaatay in wsiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya uu xalya ku hoyday Muqdisho.

Dhanka kale, madaxweynuhu yiri: “Waxaa la yaab ah in wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya uu caawa si nabad ah ku seexanayo Muqdisho, isagoo gaari caadi ah kusoo maray qaybo badan oo caasimadda ka tirsan. Dad aan wasiir iyo wax u dhow aheyna ay dhahaan Muqdisho ama Soomaaliya waa khatar oo lama tegi karo, taasina waa mid aan la yaabnay”.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya wuxuu ugu danbeytii bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay maamulka KMG ah ee Jubbooyinka iyo ergooyinka Jubbooyinka ee shirka ka qaybgalaya, isagoo sheegay inay ku laaban doonaan halkii ay ka yimaadeen iyagoo gacmaha is-haysta.

SomaaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: