Hishiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka KMG Jubba oo Maanta lagu Shirka dib u hishiisiinta Jubbooyinka.

Shirka Jubbaland.jpg5Waa maalintii labaad ee uu socdo  Shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka, waxaana lagu wadaa in maanta looga hadlo heshiiskii ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii Ogoosto ee sannadkan.

Sidoo kale qodobbada heshiiskaas ayaa lagu wadaa in shirka ay faah-faahin kaga bixiyaan saxiixayaashii heshiiskan, kuwaasoo kala ah hoggaamiyaha Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo wasiir u dowlaha  Madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir.

Si ay u fahmaan ergada shirka kasoo qaybgashay ayaa waxaa la filayaa in sharraxaaad aad u ballaaran laga siiyo sidii uu heshiiskaas ku billowday iyo sidii lagu soo gaba-gabeeyay, taasoo looga gol-leeyahay inay ergadu  wax badan ka ogaadaan heshiiskaas iyo heerarkii uu soo maray.

Sida ku cad heshiiskan waxaa gar-wadeen ka ahaayeen urur goboleedka IGAD iyo sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa wuxuu maray heerar kala duwan, iyadoo marar badan uu ku sigtay in lagu kala dareero, balse dadaallo badan oo ay IGAD iyo dowladda Itoobiya sameeyeen ayaa sababay in heshiiskaas ugu dambeyn la saxiixo dhammaadkii bishii Ogoosto ee sannadkan.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in ergooyinka  shirka ka qaybgalaya maanta loo qaybiyo dhowr qaybdood si ay uga doodaan heshiiskii ay dowladda iyo maamulka Jubba gaareen, waxaana sidoo kale looga hadli doonaa dhowr ajande oo kale oo ay ka mid yihiin u gogol-xaaridda dhismaha maamulka KMG ah Jubba iyo habka uu ku shaqeyn doono labada sano ee uu jiri doono.

Shirka ayaa waxaa guddoomin doona wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo ah mas’uulka u qaabilsan dhinaca dowladda qaban-qaabada shirkan.

Si Kasta ha ahaatee shirkan ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gobollada Jubbooyinka waxayna shacabka ku nool Jubbooyinka ay ku tilmaameen mid deegaannadooda u horseedaya horumar.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: