Qaramada Midoobay oo ogolaaday in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya loo fidiyo taageero Militari.

FowziaWasiirka Arrimaha dibadda & Iskaashiga Caalamiga  Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay caasimadda Muqdisho, kadib markii ay magaalada New York kaga qeyb gashay 30-kii bishii hore ee October, kulanka golaha ammaanka oo looga dooday caawinta iyo taageeridda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo ku Kordhinta  in ka badan 4000 askari tirada ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM) si loo gaarsiiyo guud ahaan 22,000 askari ,ayaa waxa ay ka war bixisay waxyaabihii lagu go’aamiyay shirkaasi.

Fawziya Yuusuf , waxaa ay sheegtay in Xubnaha 15 –ka dal ee  golaha ammaanka ay dhageysteen warbixin uu akhriyay Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson oo qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka dhulka ciidamada Milatariga Soomaaliya  iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Marwo Fawziya Yuusuf mar ay kula hadleysay warbaahinta garoonka Muqdisho ayaa waxaa ay tiri “ dadaal dheer, wadatashi  iyo kulamo is xig xiga oo aan la kala  yeeshay Xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan ee diidmada, ayaa waxaa la isla gartay in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horey tababaro uga kala helayay qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub loo fidiyo taageero lojistiko ah iyo waxyaabo kale oo muhiim ah oo wax ka tari doona  qeyb ahaan sare u qaadida awooda ciidanka Soomaaliyeed”.

Golaha ammaanka ayaa waxaa la filayaa in kulan kale oo arrinkan Soomaaliya la xiriira uu  markale yeesho inta lagu guda jiro bishan November.

Fawziya Yuusuf Xaaji  oo fulineysa ajandayaasha qaran ee barnaamijka siyaasadda arrimaha dibadda ayaa  xoojisay dhaq dhaqaaqyadeeda diblomaasiyadeed ee ay taageerada  ugu raadineyso ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya si uu dib uga kabsado muddo 22 sano ah oo dalka colaado sokeeye ay u sababeen burbur iyo dib u dhac xoogan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: