Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qabtay Kulan loogu doodayey dhibaatada Tahriibka iyo Dib u soo celinta Qaxootiga, kulankan oo ujeedkiisa ahaa sidii looga hortagi lahaa khatarta Tahriibka iyo dib u soo celinta Qaxootiga waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka Soomaliya, maamullada Puntland, Soomaali Land iyo saraakiil ka socotay hey’adaha caalamiga ah.iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobay.
Kulankan oo ka dhacay Nairobi loogana hadlayay khatarta Tahriibka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socta dowlada Soomaaliya, Â
Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen C/laahi Gaafoow Maxamuud oo ka qeybgalay kulankaasi ayaa madasha shirka ka sheegay in dowladu dadaal xooggan ugu jirto sidii arintaasi wax muuqda uga qaban laheyd.
Gen. Gaafoow oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Shirkani wuxuu daba joogaa sidii dadka qaxootiga ah ee Labaatanka iyo dhworka sano aduunka ku firiray loo soo celin lahaa haddeey tahay dowladaha deriska ah iyo aduunka intaba faa’iidada uu leeyahay waxaa ka mid ah habkii loo soo celin lahaa dadkii dhibaatooday iyo sidii dhaqan wanaagsan loola yeelan lahaa iyagoo halkooda jooga’’.
Si kasta ha ahaatee kulankan intii  uu socday waxaa si weyn looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa qaxootiga,  waxaan aarintani imaaneysaa iyadoo qaxooti farabadan oo ku nool wadanka Kenya la qorsheynayo in dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
SomaliSwiss  Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.