Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdii uu hogaaminayay oo shalay gaarey magaalada Kismaayo ayaa kulamo la qaatay madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada gobolka Jubbada hoose.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanki ugu horeeyay la qaatay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu horkacayay gudoomiyaha maamulkaasi Axmed Madoobe ayuu kala hadlay nabadeynta deegaannada Jubbooyinka iyo qaabkii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhawaan lagu soo gaaray magaalada Adis’ababa.
Sidoo kale madaxweynaha iyo maamulka Jubba ayaa waxa ay ka wada hadleen shir la filayo dhawaan in loo qabto beelaha dega Jubbooyinka kaasoo lagu soo afjarayo maamulka KMG ah ee Jubba.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay gudiga ganacsatada magaalada Kismaayo waxeyna ganacsatadu warbixin ka siiyeen madaxweynaha sida uu u socdo habka ganacsigooda, madaxweynaha ayaa ganacsatada u sheegay dhibaatada ka dhalankarta xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyada ayaa lagu wadaa inuu saaka booqdo gobo ka tirsan magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in isla maamta uu madaxweynuhu la kulmo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanada Jubbooyinka.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa lagu wadaa in isla maanta uu soo gebagebeeyo booqashada uu ku joogo magaalada Kismaayo.
SomaliSwiss  Kismaayo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.