Hay’adaha qoxootiga adduunka ee UNHCR iyo hay’adda cunada Adduunka ee WFP ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay yareynayaan raashinkii ay siin jireen qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.
Afhayeenad u hadashay WFP ayaa sheegtay in dhaqaale la’aan awgeed ay u qaateen go’aankan, iyadoo xustay in dalalkii deeqaha bixin jiray aysan ka helin dhaqaale ku filan caawinta qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab.
Afhayeenad lagu magacaabo Jerred oo ka hadlay arrintan waxay tiri: “Sababta ugu weyn waa lacag la’aan, bil walba waxaan siinnaa qoxootiga raashin dhan 10-kun oo mitirik-tan oo raashin ah, taasoo ay ku kici jirtay bil walba 10,000 oo doollar, khasab ayayna nagu tahay inaan dhinno”.
Afhayeenaddu waxay sheegtay in dadaal badan ay u galeen sidii arrintan looga baaqsan lahaa, balse ay khasab ku noqotay, kaddib markii ay nagu adkaatay inaan helno dhaqaalihii aan u baahnayn ee aan doonayay in aan ku caawinno qoxootiga.
Sidoo kale, Qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa bil walba laba jeer waxaa la siin jiray raashin, iyadoo qoxootigu ay sheegeen in raashinka ay bishiiba ka helaan hay’adaha gargaarka uusan ahayn mid ku filan.
Afhayeenadda ayaa mar kale waxay tiri: “Tani waa mid aan si KMG ah u dhimanyno inta dhaqaale laga helayo dalalka deeqaha bixiya, waayo waxaan doonaynaa inaan raashinka aan haynno aan gaarsiinno qoxootiga labada bilood ee soo socda ee November iyo December waayo haddii aan yareyn gargaarka ma gaarsiin karno qoxootiga”.
Dhanka kale, madaxa guddiga gargaarka ee xeryaha qoxootiga, Cabdiqaadir Xuseen Buulle ayaa sheegay in qoxootiga ay walaac xooggan gelisay hadalka kasoo baxay hay’adaha gargaarka, isagoo sheegay in markii horeba ay aad u yaraayeen gargaarkii ay heli jireen.
“Qoxootiga waxay bishiiba qaadan jireen gargaarka hay’adaha laba jeer, iyadoo mar walba la siin jiray 3-km oo bariis ah ama masago ah iyo bakeeri saliid-caddey ah, taasina ma ahayn mid ku filan, balse kaalmo ayay u ahayd,” ayuu yiri Buulle.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladda Kenya ya dhawaan sheegtay inay qorsheynaso inay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda ay dib ugu celiso Soomaaliya
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.