Xarakada Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Ciidamada cusub ee lagu soo kordhinayo AMISOM

al-shabaabXarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay la beegsan doonto weerarro ciidamada cusub ee lagu soo kordhinayo kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo xusay inaysan waxba soo kordhin doonin ciidamo kale oo dalka la keeno.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh CaliAfhayeenka guud ee  Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in sababta ciidamada cusub loo keenayo ay tahay in lagu xoojiyo kuwa hadda jooga maadaama ay ciidammo badan ku dhinteen dagaaladii aan la galnay inta ay ku sugnaayeen Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiei : “Waxaa naga go’an inaan ka hortagno ciidanka cusub ee dalka ka keenayo, runtiina sababta loo keenayo waa iyadoo ay kumannaan askari oo AMISOM ka tirsan ay dhinteen, waxaana la doonayaa in kuwaas badalkooda la helo”.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay ku talo-galeen inay la dagaalamaan ciidan kasta oo la keeno dalka Soomaaliya, kuwa soo socodana ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan wuxuunaa intaa uu raaciyey : “Innagu markiiba horeba waxaan ahayn NIN QOYAN BIYO KA DHOWRTO way naga go’an tahay inaan dagaalka sii wadno, meel walba oo la geeyo ciidamada cusubna waan ku beegsanaynaa” .

Sidoo kale hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu ku baaqay ururka Midowga Afrika in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM in ka badan 6,000 oo askari, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sida runta ah Xarakada Al-shabaab ayaa dhul ballaaran looga qabsaday dagaallo labadii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, balse kooxdan weli waxay ku adkeysanaysaa inay sii dagaalami doonto.

SomaliSwiss      Baraawe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: