Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose

Madaxweyne Xasan  Kismaayo1Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hogaaminayay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed iyo xubno kale.

Dadweyne aad u fara badan oo sitay sawirka Madaxweynaha iyo calanka soomaaliya  ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo oo ku faraxsanaa imaashaha Madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee ,iyadoo kooxda muusikada ee bambeyda ay halkaasi ku sugnaayeen.

Soo dhaweynta ka dib ayaa waxaa madaxweynaha loo galbiyay gudaha magaalada kismaayo,waxana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee jubba iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay waxana la hakiyay isu socdka gaadiidka iyo dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa kala hadlaya mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee jubba dhaqan galinta heshiiskii Adis Ababa iyo qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta ee horaanta

Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyaha ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay la qaadan doonaan kulammo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo hoggaaminaya maamulkaas Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Sidoo kale Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidadka ku yaalla bartamasha magaaladaas lagu xardhay sawirka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqolaal qof oo isugu jira haween, rag iyo waayeel oo ka tirsan bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka qayb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha kuwaasoo qaarkood garoonka ay ku suganayeen, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya. todobaadkan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Waa markii u horeeysay oo madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose tan iyo markii la doortay dhamaadkii sanadkii hore.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: