Wargelin ku socoto Soomaalida haysata dhalashada Dalka Switzerland ee Degan Gobalka Zürich.

ogeysiis.jpg3Dhamaan Soomalida Qaadatay dhalashada Dalkaan ee Degan Gobalka Zürich ,waxaa lagu Casumayaa inay ka soo qayb galaan kulan lagu gorfeeynayo:

–      habka Codeeynta waa sidee?

–      Codkeena yaan siina Hadaan nahay Soomaalida ku nool Kanton Zürich

Kulanka hore waxaan la qaadaneeyna qaar ka mid ah Xisbiyada Dalkan, waxaana ugu soo horeeya kulanka Xisbiga Sozialdemokratische Partei Kanton Zürich (SP).

Sida runta aha waxaa Muhiim ah in aan codkeeyna siino Xisbiga naga dhaxeyn karo wada shaqeeyn aannu ka heli karno  arrimaha la xiriira aayaheena iyo tan Caruurteenna, Sidaas awgeed Kulanka ugu horreeya wuxuu dhacayaa 13.November.2013, Waqtiga 18.30 Maqrabadii, Goobta kulanka waa Gartenhofstrasse 7, 8004 Zürich

Kala soo xiriir wixii faahfaahin ah Mustaf Bashir Gobdon  Tel: 079.7983805

Qofkasta oo akhrista Wargelintan waxaa laga codsanayaa inuu Gaarsiiyo Saaxiibadiisa, haysta Dhalashada Wadanka Switzerland.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: