Madaxweynaha Federaalka Soomaliya oo ka qeyb galay xafladda xuska Jamhuuriyadda Turkey iyo daah furka Mashruuca cusub ee Tareenadan

Mashruuca Tareenka.jpg1Madaxweynaha Federaalka Soomaliya Xasan Skeekh Maxamuud iyo  Madax kale o0 ka Tirsan  caalamka ayaa maanta ka qeybgalay xaflad weyn oo iskugu jirtay xuska Jamhuuriyadda Turkey oo 90-sano jirsatay iyo daah furka wadada tareenkii ugu horeeyay ee badda hoosteeda mara, isla markaana isku xira labada qaaradood ee Yurub iyo Asia.

Mashruuca TareenkaMunaasabadda Xafladdan  ayaa  waxaa joogay Madaxweynaha dalka Turkey Abdullah Gül, Ra’isul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan, afhayeenka Baarlamaanka Cemil Çiçek, Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha Japan Shinzo Abe, madaxweynaha Romania Victor Ponta, Wasiirka gaadiidka badda, isgaarsiinta iyo warfaafinta Binali Yıldırım, duqa magaaladda Istanbul Kadir Topbaş iyo guddoomiyaha gobolka Istanbul Hüseyin Avni Mutlu iyo safiirada dalalka caalamka u jooga dalkaas.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa si gooni ah loo sharfay, wuxuuna ahaa madaxweynaha kaliya ee laga marti qaaday caalanka Islaamka iyo weliba qaaradda Africa.

Sidoo kale  furitaanka mashruuca tareenkan oo lagu magacaabo Marmaray oo isku xiridoona labad qaaradood ee Yurub iyo Asia waxaa ku baxay adduun lacageed oo gaaray 2.8 billion oo dollar, waxayna dalka Turkey u tahay riyo u romoowday, madaama 150-sanadood ka hor ay dowladdii Islaamka ee Ottaman ee ka talin jirtay dalka Turkey ay ku fikirtay qorshahaas.

Ra’isul Wasaaraha Turkiya oo ka hadlayey Mashruuca Khadka cusub ee tareennada wuxuu yiri:  “Mashruucan waa riyo noo rumowday,150 sano ka hor ayaa lagu fikiray, waana taariikh iyo qiimo ay dunidu nala wadaagi doonto”.

Tareenkan ayaa waxaa  raaci doona kumanaan  qofood, wuxuuna u kala gooshi doonaa magaalooyinka Ayrılıkçeşme, Üsküdar, Sirkeci, Yenikapı ee qaaradda Asia iyo dhinaca Yurub ee magaaladda Kazlıçeşme, wuxuuna buuqa iyo saxmadda ka yareyn doonaa maaaladda Istanbul.

Madaxtii ka soo qeybgashay xafladda oo ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tareenkan u raacay dhowr magaalo, waxaana Ra’isul Wasaare Erdogan uu ku dhawaaqay in 15-ka maalmood ee ugu horeysa lacag la’aan lagu raaci doono tareenkan oo loo duceeyay intii uusan dhaqaaqin.

SomaliSwiss         Istanbuul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: